waa maxy nabad?
0
0

REGISTER! Share and grow knowledge of the world! We want to connect educated people with those who need it, to bring them together and to be able to share their knowledge with everyone. Join the Questions & Answers here.
Please sign in to your account!
Lost your password? Please enter your email address. You will receive a link and will create a new password via email.
Please briefly explain why you feel this question should be reported.
Please briefly explain why you feel this answer should be reported.
Please briefly explain why you feel this user should be reported.
Nabad.waa xiliga xasiloonida iyo degenaashaha, ereyga NABADA waa af-garad ka soo horjeeda Dagaalka iyo qarbudaada ka dhex aloosma qowmiyadaha, ama dabaqadaha bulshada, ama dowladaha tartamaya, sooyaalka waxaa ka muuqanaya in badanka aadanuhu u janjeeraan dhinaca nabada, iyo ka talinta xasiloonida, iyagoo dejinaya booskii xasilooni darida iyo qalaanqalka dagaalka, sida la wada ogyahay nabadu waa tan joogtada ahaata waqti dheerna jirta, nabada ayaa waxaa la socda horumar iyo koboc dhinac walba taabanaya, dagaalka iyo dhibta ayaa lid ku ah marwalba xasiloonida ka dhalata nabada kiiyoo aan la jaan qaadi karin horumarka iyo ilbaxnimada.
Nabada wanaageeda qaalinimadeed iyo lama huraanimada ay u tahay bulshada, maadiga ruuxda iyo guud ahaan nolosha ma garan karo qof aan u soo joogin balaayada dagaalka iyo dhibta uu leeyahay. nabada iyo amaanka ayaa aasaas lama huraan iyo shardi u ah ah horumarka , koboca iyo ilbaxnimada oo dhan.
soomaalida oo ah dad nabada iyo dagaalka labadaba yaqaan ayaan la soo koobi karin murtida ay ka sameeyeen nabada waxaa ka mida
maahmaahyaha soomaalida
Nabad la’aani waa nolol la’aan.
Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yaraa
Nabad baa naas la nuugo leh