Sign Up

Hello,

REGISTER! Share and grow knowledge of the world! We want to connect educated people with those who need it, to bring them together and to be able to share their knowledge with everyone. Join the Questions & Answers here.

Sign In

Welcome Back,

Please sign in to your account!

Forgot Password

Forgot Password,

Lost your password? Please enter your email address. You will receive a link and will create a new password via email.


Waan ka xunahay, ma haysatid fasax aad ku waydiiso su'aal, You must login to ask a question. Please subscribe to paid membership

Please briefly explain why you feel this question should be reported.

Please briefly explain why you feel this answer should be reported.

Please briefly explain why you feel this user should be reported.

Open your app

caawiye app Latest Questions

Maxamed Siciid
level dhexe

waa maxay quraan

0
0
Like1 Isticmaale
1 Isticmaale

3 Answers

  1. Quraan, Qur’aan, Quraanka Kariimka (carabi: ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ; ingiriis: Koran) waa kitaabka Alle ﺍﻟﻠﻪ (s.w.t) ku soo dejiyay Nebi Maxamed (n.n.k.h), kaas oo ku qoran luuqada carabiga.[1][2] Kitaabka Quraanka kariimka ah waa hadalka Ilaahay (ﺍﻟﻠﻪ) kaas oo malaga Jibriil u soo gudbin jirey Nebi Muxamed (n.n.k.h) wakhti 23 sano ah, oo ku bilaabmaysa Diisembar 22keedii sanadkii 609 C.D (Ciise Dabadii), wakhtigaas oo nebigu ahaa 40 jir,[4] ilaa markii taariikdhu ahayd 632 Ciise Dabadii, oo ku beegan sanadkii Nabi Maxamed  (n.n.k.h) geeriyooday. Sidaa diinta Islaamku sheegtay kitaabka Quraanku waa midka ugu sareeya kitaabyada ee Ilaahay ka ilaalinayo khaladka iyo musuqmaasuqa isla markaana hogaan iyo hanuunin u ah dhamaan aadamaha ku nool dunida.

    Kitaabka Quraanka waxaa loo kala saaraa, guud ahaan, labo qeybood oo kala ah Makki (oo ah Quraanka ku soo dagay Nebiga  intii uu magaalada Makkah joogay) iyo Madani (oo ah Quraanka ku soo dagay Nebi Muxamed  wakhtigii uu magaalada Madiina deganaa). Intaasi kuma eeka qeybaha Quraanku ee waxaa kitaabku u sameeysan yahay nidaam loo yaqaano suurado, kuwaasi oo loo sii kala saaro aayado. Quraanku wuxuu ka kooban yahay boqol toban iyo afar Suuradood kuwaasi ooy ugu horeeyso suurada Al Faatixa (macnaheedu tahay fur-furitaan ama “bilaabid”) oo ka samaysan 7 aayadood ilaa laga gaadho suurada 114 ee Al-Naas (macnaheedu yahay dadka) oo ka kooban 6 aayadood.

    Kitaabka Quraanka ah dhexdiisa waxaa ku xusan dhamaan taariikhda, nolosha, tilmaamida iyo hogaanka, wixii horey u dhacay, waxa dhici doona, nolosha dunida, nolosha aakhiro, maalinta qiyaame iyo xisaabta, iyo dhamaan macluumaadka nooleha. Sidoo kale, Ilaahay (s.w.t) wuxuu ugu tallo-galay in kitaabku noqdo mid hogaamiya nolosha dadka. Suurad kasta iyo aayad kasta oo ka mid ah kitaabka Quraanka Kariimka ahi wax ayay tilmaamaysaa isla markaana faraysaa ama ka reebaysaa dadka.[5]

    Wadajirka Quraanka iyo Xadiisku waa sharciga saxda ah ee Alle ugu tallo galay in aadamahu isku maamulaan, waxaana loo yaqaanaa Sharciga Shariicada. Intaasi waxaa dheer, Quraanka oo lagu akhrinayo luuqada carabiga ayaa waxa la akhriyaa wakhtiga la tukanayo salaadaha.[6] Qofka xafida 114ta Suuradood ee Quraanka waxaa loo yaqaanaa Xaafid. Jiijiidida iyo qurxinta codka marka la akhrinayo Quraanka waxaa loo yaqaanaa towjiid. Si kastaba ha ahaatee, bisha Ramadaan dadka muslimiinta ahi waxay dhamaystiraan akhrinta dhamaan Quraanka ayagoo ku tukanaya salaada tarawiixda.

    Quraanka wuxuu saldhig u yahay diinta Islamka dhamaanteed.[

  2. qur,and waa kitaab alle(s
    w.t) soo dajiyay unable soo dhibay nabi Muhamed(s.c.w)oo ku qoran after carabi

You must login to add an answer.