Sign Up

Hello,

REGISTER! Share and grow knowledge of the world! We want to connect educated people with those who need it, to bring them together and to be able to share their knowledge with everyone. Join the Questions & Answers here.

Sign In

Welcome Back,

Please sign in to your account!

Forgot Password

Forgot Password,

Lost your password? Please enter your email address. You will receive a link and will create a new password via email.


Waan ka xunahay, ma haysatid fasax aad ku waydiiso su'aal, You must login to ask a question. Please subscribe to paid membership

Please briefly explain why you feel this question should be reported.

Please briefly explain why you feel this answer should be reported.

Please briefly explain why you feel this user should be reported.

Open your app

caawiye app Latest Questions

Libaan
Bilow

waa maxay geel

0
0
Be the first one react

1 Answer

  1. Geelu waxa uu ka mid yahay afarta maal-adduunyo ee Soomaalidu haysashadooda ku hammiyi jireen. Waxa uu ahaa halbeegga ay ku cabbiri jireen hodantinnimada qofka iyo hantidiisa, ninkii kadin geel ah foofsadaana waxa uu agtooda ka ahaa mid loo soo joogsado oo arrinkiisa la aqbalo. Waxay u arkayeen in ninkii geel lihi si fudud u gashi bixi karo, taasna waxaynu ka garan karraa odhaahda caanka ah ee tidhaahda: โ€˜dameertaydii baa nin geel leh ii gashayโ€™.

    Dhanka kale, qofkii maalkiisa ku loofara ee aan waxba tashiilan waxay weydiin jireen suโ€™aasha ah: โ€˜Ma geela ayaa korammo idiin ku jiraan?โ€™ Sidoo kale ruuxii cadho aawadeed foolkiisu madoobaado ee la xejin kari waayo, waxay ku odhan jireen โ€˜Ma geelii aabbahaa ayaa la dhacay?โ€™ amase โ€˜geeliisii ayaa cirka lagu maalayaaโ€™, iyagoo gar u arkaayey ninkii geeliisa la damaaciyaa inuu marooradillaaco oo marada madaxa ku marto.

    Haddii la eego maansada, maahmaahda iyo sheekooyinka murtida leh ee Soomaalidu illaa waa hore isu soo tebin jirtay, waxa muush ka ah geela iyo dhacdooyinkiisa, taas oo ina tusaysa sida geelu noloshooda ugu soohnaa. Iska dhaafe, ubadka ay dhalaan magacyadii ay ugu wanqali jireen ayaa jacaylkii geela ay u qabeeni ka soo dhex tafay, saa waynaga maqallay: Geelle, Geeljire, Geeldoon, Geelxoor, Caanogeel iyo kuwo kale.

    Jacaylkii Ay Geela U Qabeen

    Guud ahaan Soomaalida, ย waxaa ku jirta rooxaan geela jecel, reermiyiguna waabu ka sii xagjiraa. Jacaylka geela ayaa madaxmaray, kolkaasay xataa ruuxda bini-aadamku qiimihii ay lahayd neefaf geel ah dhaafsadeen. Bal u fiirso meerisyadan miidaamada ah ee gabyaa Ina Xasan-Deri la oran jirey laga soo sheegay. Wuxuu yidhi:

    Badda jiidhayaa ama berri jaanta mariyaaba

    Wallee geel jacaylkaan u qabo waw jirrabi ruuxa!

    Cabdi Warsame Baanji oo โ€˜Cabdi-Gahayrโ€™ lagu garan og yahay ayaa isna cid walba baradhaafiyay kolkii uu aaminay in jacaylka geelu yahay mid kitaabiya ah oo Diinka Muxammadiya boos ku leh. Waxa uu daliishaday in raggii rag ahaa ee nebi Muxammed la jaalay ay geelleey ahaayeen, aakhiro kolkii la tago ee uumiyaha la xisaabiyana, ninkii aan ifkii ayro soo dhaqan in arrinkiisu Allow sahal yahay!!! Malahayga waxa uu u jeedaa ninkii aan geel badan oo uu seko iyo sadaqo ka bixiyo lahayni, markii suurta la afuufo ee siraadka la maro, inuu solayga naareed ku siibto ayaan si xun uga yaabayaa. Wuxuu yidhi Cabdi-Gahayr:

    Idinbacasa awrkay dhashiyo aarankay wadatay

    Asaxaabihii horeba way ku intifaaceene

    Aakhiro nimaan geel lahayn lama ammaanayne!

    Geeljiraha gaas-dhagoolaha ah qaarkii ayaa lexejeclada iyo jacaylka geelu dawga aakhiro seejin jireen, kolkii wadaadka sekeda ururinayaa isa soo dul taago oo ku wacdiyo inuu geeliisan reysimmada ah sekeda ka bixiyo. Wacdiga wadaadka ayaa u qudhqudhsami waayi jiray oo waxa ku adkaan jirtay inuu qaalmo goojinaya intuu xeradiisa ka soo saaro nin kale mihiibsiiyo. Kolkaasuu af buuxa wadaadkii ku odhan jiray: โ€˜Awgayoow, intii ay xero nin kale ka ololi lahayd, aniga aakhiro ha igu durduriso e iskaga tag!โ€™

    Isha geeljiruhu waxa ay ku doogsato, araggeeduna ku samaadaa waa hasha, gaar ahaan xilliga aaranka ah ee arladu cosob miidhan tahay kolkaas oo geela dhogor cusubi fuusho, baar qurxoon oo neecawdu ku ciyaartaana u soo baxo. Isagoo sii daymoonaya neef tilmaamahaas leh, asii uga dardaarwerinaya miciyo dugaag iyo macaluul abaareed ayuu geeljire ku heesay:

You must login to add an answer.