Taariikhda warshadihii hore ee somalia
0
0

REGISTER! Share and grow knowledge of the world! We want to connect educated people with those who need it, to bring them together and to be able to share their knowledge with everyone. Join the Questions & Answers here.
Please sign in to your account!
Lost your password? Please enter your email address. You will receive a link and will create a new password via email.
Please briefly explain why you feel this question should be reported.
Please briefly explain why you feel this answer should be reported.
Please briefly explain why you feel this user should be reported.
TAARIIQDA WARSHADAHA SOMALIA.
Wershadaha Soomaaliya in kasta oo aysan aad u fara badnayn, hadana waxaa lagu qiyaasay in ay dhaqaalaha waddanka ku siyaadin jireen boqolkiiba-toban [10%]. Qaybo kamida wershadihii Soomaaliya iyo xilliyadii la asaasay waa kuwan hoos ku qoran.
Wershedda Sonkorta Jawhar:
1919 ayaa shirkad talyaani asaastay wershadda sonkorta ee Jawhar, Sannadkii 1960 kii ayaa wershaddaas 50% kamida loo ogolaaday Soomaaliya.
Wershedda Cusbada Xaafuun:
1922 ayaa shirkad Talyaani ah asaastay wershadda cusbada [solar Salt production]. Waxaan laga dhisay Hurdiye – xaafuun. Wershaddaasi waxay soo saari jirtey cusbo dhan 250,000 ilaa 300,000 tons sannadkii. Waxaana wershaddaas hawlgab ku noqday dagaalkii Ingiriiska iyo Talyaaniga ee 1940-1941.
Wershedda Caanaha Xamar:
1965 ayaa wershadda caanaha ee xamar shaqa bilawday. Wax soosaar keeduna wuxuu ahaa 10.000 litir oo caano ah maalintii.
Wershedda Hilibka Kismaayo:
1968 ayaa la dhamaystiray wershadda hilibka ee kismaayo. Waxayna qali jirtey sannadkii 60,000 neef oo lo’ah, si ay u soo saarto 20 million oo hilib qasacadaysan ah.
Wershedda Kalluunka Laasqoray:
1969 ayaa la dhamaystiray Wershadda Kalluunka ee laasqoray. Waxayna shaqo ku bilawday 5,000 tons oo qasacadood oo Toono ah sannadkii.
Wershedda Dharka Balcad:
1969 ayaa la dhamaystiray wershadda dharka ee Balcad. Waxayna soo saari jirtey dhar kala noocnooc ah, khaas ahaan dharka dugsiyada.
Warshadda Sokorta ee Mareerey (Juba Sugar Project -JSP) 1980-kii.
1976-dii ayaa la calaameeyey oo la bilaabay dhismihii warshadda iyo mashruuca Sokorta ee Mareerey. Mareerey waxay ku taal degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe, dhanka maaliyadda dowladii Soomaaliya waxay kala kaashatay dalka Sacuudiga iyo Dubai halka dhanka farsamada lala kaashaday dalka Ingiriiska.