sidee geela sazakadiisa loozakeeyaa meeqaa uu kuwaajib noqonaa?
0
0

REGISTER! Share and grow knowledge of the world! We want to connect educated people with those who need it, to bring them together and to be able to share their knowledge with everyone. Join the Questions & Answers here.
Please sign in to your account!
Lost your password? Please enter your email address. You will receive a link and will create a new password via email.
Please briefly explain why you feel this question should be reported.
Please briefly explain why you feel this answer should be reported.
Please briefly explain why you feel this user should be reported.
geela shantii neef waxaa lagabixiyaa halri
Zakada Geela
Wax zakaa lagama rabo geela ilaa uu gaaro 5 neef oo geel ah, Waxaana looga sakeynayaa sidatan hoos kucad,
5—–9 waxa lagabixinayaa neef ariya oo weliba ido ah,
10—14 waxa lagabixinayaa laba neef oo ido ah,
15—19 waxa lagabixinayaa sadex neef oo ido ah,
20—24 waxa lagabixinayaa afar neef oo ido ah,
25—35 waxa lagabixinayaa qaalin geel ah oo hal sano jir ah ee sanadkii labaad madaxa lagashay,
36—45 waxa lagabixinayaa qaalin labajir ah oo sanadkii sadexaad maxa lagashay,
46—60 waxa lagabixinayaa qaalin sadexjir ah oo sanadkii afraad madaxa lagashay,
61—75 waxa lagabixinayaa qaalin afarjir ah oo sanadkii shanaad madaxa lagashay,
76—90 waxa lagabixinayaa laba qaalmood oo labasanojir ah sanadkii sadexaadna madaxa lagalay,
91—120 waxa lagabixinayaa laba qaalmood oo sadexjirro ah sanadkii afraadna madaxa lagalay,
markuu kasiyaado 120 waxaa lagabixinayaa afartankii kastaba qaalin labajir ah sanadkii sadexaadna madaxa lagashay, ama waxa lagabixinayaa kontonkii kastaba qaalin sadexjir ah oo sanadkii afraad madaxa lagashay,
qaaciidadaas ayaa loo kala ratibayaa oo haduu geelu ku imaan karo inuu ukala qaybsamo afartan afartan saas ayaa loo kalafariisi nayaa, haduu yahay geelu mid kuhaboon inloo kala qaybiyo konton kontona saas ayaa loo kala xisaabinayaa,
hadii qofku waayo neefkii kawaajibey geeliisa muxuu samay nayaa? tusaale ninkii laga rabey qaalin 4 sanojir ah ee kawaayey geeliisa laakiin wuxuu heli karaa mid sadexjir ah, wuxuu bixinayaa taas sadex jirkaa wuxuuna ku kabayaa (kukordhinayaa) labaneef oo ari ah hadey usahlanaato, hadii kalena labaatan dirham ayuu ku kabayaa qalinta, sababtoo ah waaka qiimayartahay qaalintu tii laga rabey, saas darteed ayaa loo kabayaa,
waxaan rajeynayaa in jawaabta heshay.
marka ay kuu jogaan 5 neef oo geel ah ayey kugu waajibtaa zakada