Sign Up

Hello,

REGISTER! Share and grow knowledge of the world! We want to connect educated people with those who need it, to bring them together and to be able to share their knowledge with everyone. Join the Questions & Answers here.

Sign In

Welcome Back,

Please sign in to your account!

Forgot Password

Forgot Password,

Lost your password? Please enter your email address. You will receive a link and will create a new password via email.


Waan ka xunahay, ma haysatid fasax aad ku waydiiso su'aal, You must login to ask a question. Please subscribe to paid membership

Please briefly explain why you feel this question should be reported.

Please briefly explain why you feel this answer should be reported.

Please briefly explain why you feel this user should be reported.

Open your app

Codsi Codsi! Donate Us

Isticmaalaheena sharaft leh fadlan waxaan wadana codsi ah in aad appkan balaarintiisa ka qeyb qaadatid waxa halis ugu jirnaa in aan weyno keedka xogta iyo serverka si aan u badbaadino waxa codsi inaga ah in aad bixinta lacagta qidmada sanadkan ee serverka nagala qeyb qaadatid appkan waa bilaash waxa isticaamsho in ka badan 15kun mana jirto wax dhaqaale ah kaso xaroodo kaliya waxa aan rabna ardayda iyo luqadeena in aan kor ugu qaadno waan ka xunahay! mudo yar gudaheeda waan ku xalineena dhibaatan fadlan inoo dulqaado mudo kooban mahadsanid

fadlan tabarucaadada kuso dir lambarkan evc 617493491 ama premier bank wallet 00252617493491

Our Statistics

  • Questions 4k
  • Answers 3k
  • Best Answers 141
  • Users 11k

caawiye app Latest Questions

Queen of somalia
Xubin sare

Min Maxi Allegri, Di Maria, Rabiot Illaa Maamulka: SADDEX Go’aan Oo Laga Sugayo Juventus Oo Sannadkii 2aad Koob La’aan Ah?

Min Maxi Allegri, Di Maria, Rabiot Illaa Maamulka: SADDEX Go’aan Oo Laga Sugayo Juventus Oo Sannadkii 2aad Koob La’aan Ah?
0
0
Be the first one react

1 Answer

  1. Juventus yaaa sannadkii labaad oo xidhiidh ah uu u dhamaanayaa iyadoo aan wax koob ah ku guuleysanin, waxaanay maamulkeedu ka fiirsanayaan in ay qaataan saddex go’aan oo waaweyn oo miiska u saaran maamulka sare ee naadigan ka hor inta aanu bilaabmin xilli ciyaareedka 2023/24.

    Bianconeri oo xalay ay Sevilla ku reebtay semii-finalka Europa League aya xaqiiqsatay in aanay wax koob ah ku guuleysanayn sannadkii labaad oo xidhiidh ah, waxaanay taasi sababaysaa in isbedello lagu sameeyo kooxda.

    Sida uu qoray wargeyska Tuttosport ee kasoo baxa waddanka Talyaaniga, saddex go’aan ayaa ay maamulka Old Lady qaadan doonaan, waxaanya ka bilaabi doonaan mustaqbalka tababare Massimiliano Allegri oo ay meel ku tiirin doonaan ka hor inta aanay tallaabada xigta qaadin.

    Allegri ayaa lagu eedeeyey in si fudud loo saadaalin karayo qaab ciyaareedka iyo taatikooyinka kooxdiisa ee uu kala hor tegayo naadiyada kale, isla markaana labadii sannadood ee uu joogay Allianz Stadium aan ku guuleysanin wax koob ah.

    Waxa kale oo ku xigi doona in ay magacaabaan agaasime ciyaareed, si ay kooxdu dibu-dhis habboon u hesho, waxana lala xidhiidhinayaa Cristiano Giuntoli oo la sheegay inay suurtogal tahay inuu ka tegayo Napoli.

    Go’aanka saddexaad ee ay Juventus gaadhayso ayaa waxa uu yahay dhinaca ciyaartoyda, iyada oo laga bilaabayo Angel Di Maria oo muujiyey in uu aad uga niyad-jabsan yahay kooxdiisa oo uu sannadkii mushahar uga qaato €7 milyan oo Euro, waxan uu qandaraaskiisu ku egyahay bisha June. Waxa kale oo xaaladdaas oo kale ku jira Adrien Rabiot.

You must login to add an answer.