dheecanada ku jira Jirka bini aadamka?
0
0

REGISTER! Share and grow knowledge of the world! We want to connect educated people with those who need it, to bring them together and to be able to share their knowledge with everyone. Join the Questions & Answers here.
Please sign in to your account!
Lost your password? Please enter your email address. You will receive a link and will create a new password via email.
Please briefly explain why you feel this question should be reported.
Please briefly explain why you feel this answer should be reported.
Please briefly explain why you feel this user should be reported.
Qiyaas ahaan waa 20% dheecaankaan ku jira bannaanka unuga wuxuu u kala qaybsamaa labo qaybood oo kala ah. Dheecaanka ku jira inta u dhexeeysa unugyada dhexdooda oo loo yaqaano interstitial fluids iyo kuwa kale oo loo yaqaano intravascular fluids. Dheecaannada ku jira jirka bani’aadanka waa kuwa aad u tira badan kuwaas oo ku kala jira meela badan oo ka mid ah jirka bani’aadanka dheecaannadaas ku kala jira jirka bani’aadanka waxaa ka mid ah:
Kaadida (urine)Dhiigga (blood)Shahwada ragga (sperm)Dheecaanka ku jirka maskaxda iyo laf dhabarta (cerebrospinal fluids)Dheecaanka ku jira hooyada uur ka leh (Amniotic fluids)Dheecaanka ku jira isgalka lafaha (Synovial fluids)Candhuufta (Saliva)Dhididka (Sweat)Dheecaanka ku jira sambabada (Pleural fluids)Dheecaanka ku jira caloosha (Peritoneal fluids)Macdanta ku jirta guud ahaan jirka bani’aadamka (Electrolytes)
Waxaan si guud uga hadlaynaa dheecaannadaan aan kor kusoo sheegnay laakin waxaa jira dheecaanno ka badan intaas oo ku jira jirka bani’aadanka hase yeeshe inta aan kor ku soo sheegnay waa kuwa ugu muhiimsan oo inta badan aan ku sharxi-doono .Caawiye app Dheecaannada kale ee ku jira jirka bani’aadanka waxa kamid ah:
Dheecaanka dacarta oo kale (Bile)Caanaha ka yimaada hooyada uurka leh (Breast milk)Dheecaanka ka yimaada caloosha (Gastric juice)Dheecaanka malaxda (Pus)Saxarada (stool/ fecal)Qaaxo waa walax candhuufta u ek laakin ka adag (Sputum) Ilinta (Tears)Dheecaannada ka yimaada hab dhiska taranka ee dumarka (Vaginal secretion)Mataga (Vomit)
Dheecaannadaan aan kor soo sheegnay waa kuwa ka mid ah dheecaannada ku jira jirka bani’aadanka.