Sign Up

Hello,

REGISTER! Share and grow knowledge of the world! We want to connect educated people with those who need it, to bring them together and to be able to share their knowledge with everyone. Join the Questions & Answers here.

Sign In

Welcome Back,

Please sign in to your account!

Forgot Password

Forgot Password,

Lost your password? Please enter your email address. You will receive a link and will create a new password via email.


Waan ka xunahay, ma haysatid fasax aad ku waydiiso su'aal, You must login to ask a question. Please subscribe to paid membership

Please briefly explain why you feel this question should be reported.

Please briefly explain why you feel this answer should be reported.

Please briefly explain why you feel this user should be reported.

Open your app

caawiye app Latest Questions

Queen of somalia
Xubin sare

Cuntooyinka lagu cayilo Caafimaadkana U Fiican?

0
0
Like3 Isticmaleyaal
3 Isticmaleyaal

1 Answer

  1. Subagga lawska: 

    Subagga lawsku wuxuu aad faa’ido ugu leeyahay caafimaadka, waxaa ka buuxa barootiin iyo faytamiinno. Sidoo kale, Waxa uu qani ku yahay tamar taas oo caawisa dhisidda murqaha jidhka. Waa mid ka mid ah cunnooyinka ugu caafimaadka badan ee ka qayb qaata kordhinta miisaanka iyo dhisidda murqaha.  

    Isticmaal subagga lawska xilliga quraacda si aad hab caafimaad leh ugu kordhiso miisaankaaga. 

    Ukunta: 

    Ukunta waaa laga helaa barootiinta noocyadeeda ugu tayada fiican, waxay qani ku tahay faytamiinno iyo macdano, waxayna si caafimaad leh u dhistaa murqaha. Cunista labo xabbo oo ukun ah subax kasta waxay jidhka siinaysaa tamar ku filan maalintii oo dhan. 

    Lawska: 

    Lawska waxaa ku jira macdano iyo faytaamiino kala duwan oo jirka bini’aadanka faa’ido ugu jirto, qofka wuxuu ka helaa tamar badan. Waxaa kaloo lawska laga helaa dufanno caafimaad leh iyo barootiin, waana cunno fudud oo si caafimaad leh loogu cayilo. 

    Caanaha:

    Caanaha oo si joogto ah loo cabbo, waxa ay si caafimaad leh u dhistaa murqaha. Waxay hodan ku yihiin barootiinno, kalsiyaam iyo kaarbohaydaraytyo caawiya kordhinta miisaanka. Dufannada iyo barootiinnada ku jira caanaha waxay caawiyaan dhisidda murqaha. Sidoo kale, caanaha waxaa ku jira labada barootiin ee “casein” iyo “whey” ee miisaanka kordhiya.

    Afakaadhada: 

    Midhaha afakaadhadu waxa ay hodan ku yihiin dufanka faa’iidada u leh jidhka iyo kalooriyada. Waxaa kaloo ku jira barootiinno murqaha dhisa. Afakaadhada cabitaan ayaa laga dhigan karaa, aansalaatada waa lagu darsan karaa, roodhidana waa la marsadaa 

    Badarka: 

    Badarka waxaa ka buuxa Kaarbohaydareetyo, faybar iyo barootiinno, cunista badarka oo la joogteeyo waxay kordhinaysaa miisaanka waxayna dhisaysaa murqaha si dabiici ah. 

    Baradhada: 

    Baradhada waxaa ku badan kaarbohaydareetyo caawiya dhisidda murqaha si dhaqso ah. Waxaa kaloo ku badan barootiin, faybar iyo fitamiin C. 

    Mooska: 

    Mooska waxaa laga helaa tamar iyo awood nafaqo waxaana uu kordhiyaa kiisaanka. Mooska waxaa ku badan potassium, kaarbohaydareetyo iyo nafaqooyin kale oo qofka tamar siiyo, caafimaadkana kobciyo. 

    Hilibka xoolaha: 

    Waa il hodan ku ah barootiin, cunista hilibku waxay caawisaa dhisidda murqaha iyo sare u qaadista miisaanka. 

    Kalluunka tuunaha: 

    Kalluunka nooca tuunaha ee fresh-ka ah waxaa ka buuxa barootiin iyo dufanno muhiim u ah habsami u shaqaynta jidhka. Cunista Kalluunka tuunaha oo la joogteeyo waxay si fudud oo caafimaad leh u kordhisaa 

    Midhaha sabiibka: 

    Sabiibku wuxuu si caafimaad leh u kordhiyaa miisaanka qofka, wuxuuna siiyaa tamar badan maadaama ay ku badan yihiin sonkorta “Fructose” iyo “Glucose” oo tamar badan laga helo, waxaa kaloo ku jira barootiin iyo faytamiinno kala duwan kuwaas oo u fiican kobcinta murqaha jidhka. 

You must login to add an answer.