Caabuqa Xiniinyaha (Epididymo-orchitis)
2
0



REGISTER! Share and grow knowledge of the world! We want to connect educated people with those who need it, to bring them together and to be able to share their knowledge with everyone. Join the Questions & Answers here.
Please sign in to your account!
Lost your password? Please enter your email address. You will receive a link and will create a new password via email.
Please briefly explain why you feel this question should be reported.
Please briefly explain why you feel this answer should be reported.
Please briefly explain why you feel this user should be reported.
caabuqa ku dhaco xaniinyaha kadibne keeno in xaniintu shuuqdo ama baaba’do.
Caabuqaas waxaa loo kala qaadaa laba qeyb, mid xaniinta laftirkeeda ku dhaco, loona yaqaanaa “Orchitis”, mid ku dhaco tubada shahwada oo xaniinta ka korayso, waxaana loo yaqaanaa “Epididymitis”, laakiin sida ay u badan tahay labada meelba hal mar ayuu ku wada dhacaa caabuqaan waxaana markaas loo yaqaanaa “Epididymo-orchitis”, Badanaa caabuqa hal xiniin ayuu ka bilawdaa, laakiin labaduba hal mar wuu ku dhici karaa, waana cillad ragga ku badan waxayna badanaa ka dhalataa infekshan ka yimid kaadi mareenka ama lagu kala qaaday galmada.
Maxaa keeno caabuqa xiniinyaha “Epididymo-orchitis”?
Infekshanka kaadi mareenka oo xumaaday wuxuu keenaa caabuqa xiniinyaha, khaasatan bakteeriyada loo yaqaano “E.coli”,
Cudurrada lagu kala qaado galmada waa kuwa ugu badan ee keeno caabuqa xiniinyaha khaasatan cudurrada Jabtida iyo kalamiidiyaha,
Caabuqa fayraska khaasatan midka keeno Qaamo-qashiirka “Mumps” virus waa midka ugu badan oo keeno caabuqa xiniinyaha,
Jugtu waxay ka mid tahay waxyaabaha keeno caabuqaan khaasatan xilliyada ciyaarta banooniga iyo baaskiil wadidda
Qalliinka lagu sameeyo qanjirka ragga ee “prostate-ka” mararka qaar waxaa laga dhaxlaa caabuqaan xiniinyaha khaasatan haddii nadaafadda qalabka qalliinka loo adeegsaday aysan fiicnayn.
Tiibishada ku dhacdo xiniinyaha iyaduna waxay keentaa xanuunkaan, dhakhsane laguma baraarugo.
Yuu ku dhacaa xanuunkaan? Astaamaha lagu garto xanuunkaan:
Xanuunkaan wuxuu aad ugu badan yahay ragga da’doodu u dhaxayso 15 illaa 30 sano iyo ragga ka wayn 60 sano.
Astaamaha lagu garto xanuunkaan:
Badanaa xanuunkaan si dhakhso ah ayaa lagu dareemaa calaamadihiisa hal malain ama laba maalin gudahooda, isla markiiba qofka wuxuu dareemaa qooraha oo bararo, xanuun iyo danqasho siyaado ah.
Hadduu xanuunkaan ka dhashay xanuun kale sida aan kor ku soo xusayne qofka wuxuu dareemi karaa astaamo kale oo la xiriira xanuunka keenay, tusaale: hadduu infekshan kaadi mareenka horay kuu hayay waxaad dareemaysaa kaadida oo ku gubto, dhabar xanuun, gumaar xanuun IWM, midda kale hadduu caabuqa ka yimid xanuunada galmada lagu kala qaado waxaa dareemi kartaa dheecaan ibta ka yimaado, qanjirrada saracda ku jira oo barara IWM.
Laakiin caabuqaan xininyaha markuu bilawga yahay waxaa lagu yaqaanaa qandho iyo xanuun siyaado ah oo qofku la miirdaboolmi karo xaaladaha qaar.