Sign Up

Hello,

REGISTER! Share and grow knowledge of the world! We want to connect educated people with those who need it, to bring them together and to be able to share their knowledge with everyone. Join the Questions & Answers here.

Sign In

Welcome Back,

Please sign in to your account!

Forgot Password

Forgot Password,

Lost your password? Please enter your email address. You will receive a link and will create a new password via email.


Waan ka xunahay, ma haysatid fasax aad ku waydiiso su'aal, You must login to ask a question. Please subscribe to paid membership

Please briefly explain why you feel this question should be reported.

Please briefly explain why you feel this answer should be reported.

Please briefly explain why you feel this user should be reported.

Open your app

Codsi Codsi! Donate Us

Isticmaalaheena sharaft leh fadlan waxaan wadana codsi ah in aad appkan balaarintiisa ka qeyb qaadatid waxa halis ugu jirnaa in aan weyno keedka xogta iyo serverka si aan u badbaadino waxa codsi inaga ah in aad bixinta lacagta qidmada sanadkan ee serverka nagala qeyb qaadatid appkan waa bilaash waxa isticaamsho in ka badan 15kun mana jirto wax dhaqaale ah kaso xaroodo kaliya waxa aan rabna ardayda iyo luqadeena in aan kor ugu qaadno waan ka xunahay! mudo yar gudaheeda waan ku xalineena dhibaatan fadlan inoo dulqaado mudo kooban mahadsanid

fadlan tabarucaadada kuso dir lambarkan evc 617493491 ama premier bank wallet 00252617493491

Our Statistics

  • Questions 4k
  • Answers 3k
  • Best Answers 141
  • Users 11k

caawiye app Latest Questions

Queen of somalia
Xubin sare

10 Suaalood Oo Ay Tahay Inaad Isweydiiso Maalin kasta Si Aad Noloshaada u horumariso?

10 Suaalood Oo Ay Tahay Inaad Isweydiiso Maalin kasta Si Aad Noloshaada u horumariso?
0
0
Like1 Isticmaale
1 Isticmaale

1 Answer

  1. Waxaa lagama maarmaan ah in qofkasta uu isweydiiyo, ‘anigu kumaan ahay?, maxaan ahaan jiray iyo maxaan ahaan doonaa?” ? waxaa xikmadaan adeegsan jiray Qoraa caan ahaa oo lagu magacaabo Carl Sandburg.

    1. Miyaan ka fiicanahay sidii aan shalay ahaa?

    Waxaad ogsoonaataa in aad hormar gaareysid hadii aad isweydiiso maalinkasta su’aasha ah miyaan ka fiicanahay sidii aan ahaa shalay? Hadii aad tani joogtayso aadna u hesho jawaab ku haboon, waxaa hubaal ah in aad marwalba ahaanaysid qof hormar gaara waqtiba waqtiga ka sii dambeeya.

    2. Miyaan leeyahay dabeecad wanaagsan?

    “Hadii hanti ay lunto, waxba kaama lumin; hadii uu caafimaadka dhumo, xoogahaa ayaa kaa lumay, hadii uu dabciga uu kaa lumo… dhamaan wixii noloshaada ah waa aad lumisay.” – xigmadaan waxaa iska leh qoraaga caanka ah Billy Graham.

    Dabcigaaga wanaagsan wuxuu qeexayaa in uu qeyb ka qaato dhisida noloshaada iyo hormarkeeda. qurbo magazine ayaa ku leh si ay u wanaagsanaato dabeecadaada waxaad marwalba bulshada kula hadashaa hadal kiisa ugu jilicsan oo soo jiidasho leh, hana ka xanaajin dadka kula midka ah.

    3. Miyaan bixiyay dadaal kiisa ugu wanaagsan oo shaqadeeda ah?

    ‘Miyaan dareemayaa xamaasad ku aadan shaqadeyda maanta?’ Miyaad wali galisay wixii qalbigaaga ku jira iyo adiga oo xamaasadeysan ma ka dhigtay shaqadaada mid hormarsan oo ay dadka u riyaaqaan? Hadii ay haa tahay ogsoonow in lagaaga baahan yahay inaad joogteyso, hadii ayse tahay maya isku day wixii maanta ka dambeeya in aad noloshaada barto hormarka shaqadaada.

    4. Ma isweydiisay maxaa cusub oo aan maanta bartay?

    Baro sheey cusub maalin kasta maadaama maskaxdaada iyo caafimaadka jirkaaga ay yihiin qeyraadka ugu muhiimsan ee uu qofka leeyahay ayna ku dhismaan cilmiga oo looga faa’ideeyo. Waxaa muhiim ah in aad badiso aqrinta buugaagta si ay u dhisanto maskaxdaada.

    5. Miyaan sameeyay doorasho badqab ah?

    Caafimaadkaaga waa mas’uuliyadaada, adiga ka warqaba daryeelida caafimaadkaaga 15 daqiiqo oo ka mid ah maalintii waxaa ay ka fiican tahay adiga oo aan iska warhaynin 24ka saac – maalintii iyo habeenkii oo dhan. Sidaas dardeed ka fogoow cuntada aan isku dheeli tirneyn iyo teeda aan wanaagsaneyn caafimaad ahaan.
    6. Miyaan wali ka fakiray in aanan qaban wax aanan gaari karin qabashadiisa?

    Waa waajibaad ku saaran in aad kala ogaato wax aad qaban karto iyo wax aadan qaban karin – si aysan noloshaada ugu lumin waxa aadan qaban karin – maxaa yeelay qofkasta hadii uu degsado wax uu noloshiisa qaban karo iyo wax uusan qaban karin waa mid uu ku helaayo guusha si fudud oo aan dhib badan u marin.

    7. Miyaan Wali Muujiyay jaceylka qoyskeyga iyo saaxiibadeeyda?

    Xasuusnoow in ereyga “muujin” in uusan ahayn macnihiisa kaliya ku fakarida jaceyl oo kaliya iyo hadal wanaagsan, laakiin waxaa uu macnihiisa dhabta ah yahay muuji jaceylkaaga iyo saameyntiisa adiga oo adeegsanaya labadaba – hadalo wanaagsan iyo ficil wax ku ool ah

    8. Miyaan wali u hurray waqtigeyga kiisa ugu muhiimsan lamaanaheyga?

    Siinta lamaanaha waqtiga ugu muhiimsan, ma ahan hal waqti oo go’an maalintii ah, balse waxaa haboon in aad waqti badan siiso si aad ula wadaagto farxadda iyo hormarka nolosha; waana muhiim in aad markasta dhageysato lamaanahaaga.

    9. Miyaan wali ahaaday mid iska yareeya xanaaqa loo qaado qofkale?

    Inta aadan tagin sariirta, waxaad isweydiisaa hadii uu jiro qof aad kala xanaaqsan tihiin ama aad is dirirsan tihiin. Waxaad is ku daydaa in aad noqoto qof damiya xurguftaasi idinka dhaxeyso. Qoraha maqaalkaan wuxuu leeyahay waa in aad wacdaa (qofka kale – hadii uusan kula joogin) aadna si xushmad leh uga codsataa in aad is cafisaan taasi oo muhiim u ah noloshaada.

    10. Miyaan ahay qof ku socda qorshaha nolosheyda u degsan?

    Ahoow marwalba qof joogteeya waxa aad noloshaada u degsatay, maskaxdana gasho in aad sameyso wax wanaagsan oo aad qaban karto ayna yihiin wax adiga kuu faa’iideynaya.

    Qoraha maqaalkaan wuxuu ku soo gaban gabeynayaa dajinta hadaf guud oo qofka yeesho – waxaa ay bishaa hormarka qofka, balse hadii uusan laheyn qofka hadaf guud waxa ay ka dhigan tahay isaga oo nool sida xayawaanka oo kale oo aan nolosha ka laheyn u jeedooyin gaar ah.
    Ugu dambeyntii akhristaha Caawiye app kuxiran hadii aad horay wax ka mid ah 10 kaan su’aalood u heysatay jawaabahooda isku day in aad intaan iyo in ka badan hesho si aad u noqoto qof hormariya noloshiisa, waxeyna 10kaan su’aalood ay hormarinayaan natiijooyinka dhankasta oo uu qofka kaga baahan yahay nolosha.

You must login to add an answer.