REGISTER! Share and grow knowledge of the world! We want to connect educated people with those who need it, to bring them together and to be able to share their knowledge with everyone. Join the Questions & Answers here.
Please sign in to your account!
Lost your password? Please enter your email address. You will receive a link and will create a new password via email.
Please briefly explain why you feel this question should be reported.
Please briefly explain why you feel this answer should be reported.
Please briefly explain why you feel this user should be reported.
dheecanada ku jira Jirka bini aadamka?
Qiyaas ahaan waa 20% dheecaankaan ku jira bannaanka unuga wuxuu u kala qaybsamaa labo qaybood oo kala ah. Dheecaanka ku jira inta u dhexeeysa unugyada dhexdooda oo loo yaqaano interstitial fluids iyo kuwa kale oo loo yaqaano intravascular fluids. Dheecaannada ku jira jirka bani’aadanka waa kuwa aadRead more
Qiyaas ahaan waa 20% dheecaankaan ku jira bannaanka unuga wuxuu u kala qaybsamaa labo qaybood oo kala ah. Dheecaanka ku jira inta u dhexeeysa unugyada dhexdooda oo loo yaqaano interstitial fluids iyo kuwa kale oo loo yaqaano intravascular fluids. Dheecaannada ku jira jirka bani’aadanka waa kuwa aad u tira badan kuwaas oo ku kala jira meela badan oo ka mid ah jirka bani’aadanka dheecaannadaas ku kala jira jirka bani’aadanka waxaa ka mid ah:
Kaadida (urine)Dhiigga (blood)Shahwada ragga (sperm)Dheecaanka ku jirka maskaxda iyo laf dhabarta (cerebrospinal fluids)Dheecaanka ku jira hooyada uur ka leh (Amniotic fluids)Dheecaanka ku jira isgalka lafaha (Synovial fluids)Candhuufta (Saliva)Dhididka (Sweat)Dheecaanka ku jira sambabada (Pleural fluids)Dheecaanka ku jira caloosha (Peritoneal fluids)Macdanta ku jirta guud ahaan jirka bani’aadamka (Electrolytes)
Waxaan si guud uga hadlaynaa dheecaannadaan aan kor kusoo sheegnay laakin waxaa jira dheecaanno ka badan intaas oo ku jira jirka bani’aadanka hase yeeshe inta aan kor ku soo sheegnay waa kuwa ugu muhiimsan oo inta badan aan ku sharxi-doono .Caawiye app Dheecaannada kale ee ku jira jirka bani’aadanka waxa kamid ah:
Dheecaanka dacarta oo kale (Bile)Caanaha ka yimaada hooyada uurka leh (Breast milk)Dheecaanka ka yimaada caloosha (Gastric juice)Dheecaanka malaxda (Pus)Saxarada (stool/ fecal)Qaaxo waa walax candhuufta u ek laakin ka adag (Sputum) Ilinta (Tears)Dheecaannada ka yimaada hab dhiska taranka ee dumarka (Vaginal secretion)Mataga (Vomit)
Dheecaannadaan aan kor soo sheegnay waa kuwa ka mid ah dheecaannada ku jira jirka bani’aadanka.
See lessXaqiiqooyinka Ku Saabsan Maskaxda Aadanaha?
Waxay ka kooban tahay 75% biyaha. Inaad jidhkaaga ka ilaaliso fuuq-baxa waxay kaa caawin doontaa hawlaha maskaxda ee habboon.Maskaxda bini'aadamku waxay koraan cabbirkeeda ilaa 18 sano jir .Madax xanuunka waxaa sababa falcelinta kiimikaad ee maskaxdaWaxay ka kooban tahay boqol bilyan oo neuron KolesRead more
Waxay ka kooban tahay 75% biyaha. Inaad jidhkaaga ka ilaaliso fuuq-baxa waxay kaa caawin doontaa hawlaha maskaxda ee habboon.Maskaxda bini’aadamku waxay koraan cabbirkeeda ilaa 18 sano jir .Madax xanuunka waxaa sababa falcelinta kiimikaad ee maskaxdaWaxay ka kooban tahay boqol bilyan oo neuron Kolestaroolka sare wuxuu si xun u saameyn karaa maskaxda
See lesswaa maxay qaran
Qaran waxaa ladhahaa dad isku tagey oo hal wadan iyo hal calan kadhaxeeyo, waxee noqon kartaa dad wadani ah oo jecel dhulka ee degenyihiin. Qaran waxaa ladhahaa dowlad ama Wadan ama dal. Micanah qaran waxaa waaye dad hal meel wada degan oo taariikh u leh, waa dad xuduud loo sameeyay, waxee noqon karRead more
Qaran waxaa ladhahaa dad isku tagey oo hal wadan iyo hal calan kadhaxeeyo, waxee noqon kartaa dad wadani ah oo jecel dhulka ee degenyihiin. Qaran waxaa ladhahaa dowlad ama Wadan ama dal. Micanah qaran waxaa waaye dad hal meel wada degan oo taariikh u leh, waa dad xuduud loo sameeyay, waxee noqon karaan dad hal dhaqan leh iyo hal luqad iyo hal diin.
See lesswaa maxay mah mah
Maahmaahdu waa hadal murtiyeed, inta badan ka hadasha waayo aragnimo ama dhacdo qof soo martay kadibna ay ku reebto erayo xikmadaysan oo cabiraya dhacdadiisa saamaynta ku leh nolol maalmeedka bulsho waynta uu af ahaan iyo dhaqan ahaanba ka tirsan yahay. Soomaalidu waxay ku jirtaa dadka aad loogu tilRead more
Maahmaahdu waa hadal murtiyeed, inta badan ka hadasha waayo aragnimo ama dhacdo qof soo martay kadibna ay ku reebto erayo xikmadaysan oo cabiraya dhacdadiisa saamaynta ku leh nolol maalmeedka bulsho waynta uu af ahaan iyo dhaqan ahaanba ka tirsan yahay. Soomaalidu waxay ku jirtaa dadka aad loogu tilmaamo inay leeyihiin luuqad hodan ah oo u suurto galisay inay reebi karaan oraahyo nuxur leh oo xambaarsan macna xeel-dheer, jirina karta inta ay jiraan dad isticmaala luuqadaa.
See lessFAA'IIDADA BIYAHA laga helo?
Qadarka biyaha aad cabto maalin kasta wuxuu door muhiim ah ka qaataa ilaalinta caafimaadka jirkaaga. Ragga waxaa loogu baahanyahay in ay cabaan maalinkii 3.5 liter ilaa afar 4 liter oo biya ah, oo u dhiganta 13koob ilaa 15koob. Dumarkuna waa in ay cabaan maalinkii 2.5 liter oo u dhiganta 9Read more
Qadarka biyaha aad cabto maalin kasta wuxuu door muhiim ah ka qaataa ilaalinta caafimaadka jirkaaga.
Ragga waxaa loogu baahanyahay in ay cabaan maalinkii 3.5 liter ilaa afar 4 liter oo biya ah, oo u dhiganta 13koob ilaa 15koob.
Dumarkuna waa in ay cabaan maalinkii 2.5 liter oo u dhiganta 9 koob oo biya
Biyuhu waxey ka hortagaan calool xanuunka iyo calool xiranka,
Waxeyna dheefshiidka ka dhigaan mid caafimaad qaba.biyaha waxey dheeli tiraan dheecaamada jirka sida dhuuqista cunada wareega dhiiga iyo xambaarida walxaha nafaqada.
Biyo badan oo la cabo waxey dhisaan murqaha jirka, murqaha waa in ay helaan biyo ku filan si ay ujoogteeyaan shaqada ay hayaan oo ah in ay jirka dhaqdhaqaajiyaan qeybihiisa kala duwan.
Biyaha waxey aad u caawiyaan killiyaha iyagoo wasaqda ka saaraya.
In biyo badan uu qofka cabo waxey u fiicantahay jirkiisa,oo waxey ka hortagaan kor qaleelka oo Aakhirkii ku dhamaada in uu jirka jeexjeexma ama laablaab ku yimaada isagoo aan da’ noqon.
Biya oo badan oo la cabo waxey kaa caawinayaan,inay kaa daaweeyaan waxyaabo badan oo jirka ku qarsan ha ahaadaan cuduro ama feeyras.
Dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhalan kara biya yarida ama qofka oo aan biyo badan cabin maalinkii.
Qofka waxaa ku imaan kara cuduro kala duwan, sida cudarada ku dhaca killiyaha iyo kaadi mareenka
Sidoo kale qofka aan qaadan biyo ku filan haragiisa waxa uu noqdaa qaleel, ka dibna waxaa ku yimaada jeexjeex iyo laablaab wajiga iyo daal.
See lessMuhiimadda iftiinka uu u leeyahay jirkeenna?
Iftiinka waabariga jirka qofka muhiim ayey u tahay oo waxay kor u qaadeysaa shaqada wadnaheenna, firfircoonida jirka guud ahaan iyo aragga indhaha Indhaheenna waxay marwalba isku dheellitiraan iftiinka maalinki iyo mugdiga habeenki taasoo qayb ku leh nasashada maskaxda xilliga aan hurudno. Dadka xagRead more
Iftiinka waabariga jirka qofka muhiim ayey u tahay oo waxay kor u qaadeysaa shaqada wadnaheenna, firfircoonida jirka guud ahaan iyo aragga indhaha
Indhaheenna waxay marwalba isku dheellitiraan iftiinka maalinki iyo mugdiga habeenki taasoo qayb ku leh nasashada maskaxda xilliga aan hurudno.
Dadka xagga aragtida cilladda ka qaba waxay la kulmaan dhibaato aad u ba’an maadaamaa jirkooda uusan iftiinka aragga ku xiran dareemeyn taasina waxay u horseddaa hurda la’aan.
Iftiinka dabiiciga ah ee maalinkina waxtar aad u weyn ayuu noo leeyahay xilliyada aan seexaneyno iyo xilliga aan hurdadad ka soo tooseyno. Dadka habeenki shaqeeyo hurdada ay maalinki seexdaanna wey ka duwan tahay tan habeenki la seexdo, mana ah hurdo wanaagsan oo raaxa leh balse danta ayaa dadka ku qaasabta” ayey yirahdeen khubarada daraasadaaka sameeyey
Dadka habeenki shaqeeya 97% waxay ku guul darreystaan iney la qabsadaan shaqada habeenki, waxayna shaqada habeenki ay saameynteeda caafimaad sii badaneysaa inta sano uu qofku ka shaqeeyo shaqada habeenkii ah.
Iftiinka qofka uu u baahan yahay ee caafimaadka qabana ma aha kan xafiisyada ee uu ka helo korontada balse waa kan ceedceedda oo kan korontada 250 jibbaar ka nadiifsan kana caafimaad badan.
See lessHurdada fiicani hore u toosbay leedahay?
Hurda seexashada iyo ka soo toosidda waxay ka mid tahy dabeecadaha noolasha bani aadamka. Noolasheenna marka seddex loo qaybiyo qayb ka mid ah, noolasheenna oo dhami waxaan ku qaadannaa hurdada, hurda la'aanna noolali ma jirto. Marka aan hurudno, maskaxdeenu wax badan ayay xusuusataa waxayna kala roRead more
Hurda seexashada iyo ka soo toosidda waxay ka mid tahy dabeecadaha noolasha bani aadamka.
Noolasheenna marka seddex loo qaybiyo qayb ka mid ah, noolasheenna oo dhami waxaan ku qaadannaa hurdada, hurda la’aanna noolali ma jirto.
Marka aan hurudno, maskaxdeenu wax badan ayay xusuusataa waxayna kala rogtaa macluumaad kala duwan oo ka mid ah waxyaabihi aan maalinka oo dhan qabaneynay. Xilliga aan hurudno Jirkeenna sunta ayuu iska saaraa, jirkeennana wuu is cusbooneysiiyaa, si marka aan u soo kacno uu si wanaagsan ugu shaqeeyo.
Huradada oo qofka ku yaraato ama hurda la’aanta ayaa si weyn u saameeya caafimaadka qofka. Khubarada arrimahan ku takhasusay ayaa soo jeedinaya in 17-19 oo aad waxbarato ama aad cashar ku jirto ay la mid tahay sida qof aad u cabbay khamriga.
Dhibaatooyinka wey kasii dareen xilliba xiliga ka sii danbeya. Haddii uu qofku 11 maalmood oo xiriir ah ay hurda la’aan ama hurda yari la soo daristo waxay qofka u horseedeysaa dhibaatooyin caafimaad darro.
Wuxuuna qofka ay hurda la’aanta la soo deristo wuxuu ka dhaxlayaa xusuusta oo ku yaraato, shakiga oo ku bato iyo quruxdiisa oo suusho iwm…
Balse saaynisyahannada ayaa si aad ah uga deyrinaya hurda yarida qofka ay hayso inuu caafimaad darro ay soo wajaheyso.
See lessMaxa Darentaa marka kaligaa tahay .Nafatada side u aragtaa?
waxaad oganeysaa waxa aatahay oo dhaba ina darento Marka aa naftada Kali latahay. hadii markas aa daremeyso culeys Nusqaan kalsooni daro hami la,aan .waa waqtigas wax naftada ku sugantahay . hadii aa daremeyso .hiigsi firfircooni .guulo waweyn waxa isla markaas xalada aad dhax jibaxeyso . iskudey inRead more
waxaad oganeysaa waxa aatahay oo dhaba ina darento Marka aa naftada Kali latahay.
hadii markas aa daremeyso culeys Nusqaan kalsooni daro hami la,aan .waa waqtigas wax naftada ku sugantahay .
hadii aa daremeyso .hiigsi firfircooni .guulo waweyn waxa isla markaas xalada aad dhax jibaxeyso .
iskudey inaa soosarto Qofka aatahay iyo Xada nafsadada ku suganatahay .
See lessQodobada keena in qofku halis sare u yahay cadaadiska dhiigga oo sareeya wakhtiga uurka?
Sababta keenta cadaadiska dhiigga oo sareeya wakhtiga uurka lama yaqaano. Hase yeeshe, waxa aad ka sii halis badan tahay dumarka kale haddii: aad taariikh gaar ah u leedahay cadaadis dhiig oo sareeya oo mudo dheer soo jiray (dhiig kar) ama cadaadis dhiig oo sareeya wakhtiga uurkqoyskaagu uu taariikhRead more
Sababta keenta cadaadiska dhiigga oo sareeya wakhtiga uurka lama yaqaano. Hase yeeshe, waxa aad ka sii halis badan tahay dumarka kale haddii:
aad taariikh gaar ah u leedahay cadaadis dhiig oo sareeya oo mudo dheer soo jiray (dhiig kar) ama cadaadis dhiig oo sareeya wakhtiga uurkqoyskaagu uu taariikh u leeyahay cadaadis dhiig oo sareeyaaad uur yeellatay markii ugu horeysayda’daadu ka weyn tahay 40aad uurka ku sidid in ka badan hal ilmoaad leedahay xaaladaha caafimaad qaarkood sida sonkorta (kaadi-macaan) ama cudur kalyo
NB…Inta uurku jiro, waxa la yidhaahdaa waxa aad leedahay cadaadis dhiig oo sareeya haddii tiradaada sare ka badan tahay 140 ta hooseena ka badan tahay 90.
See lessCadaadiska dhiigga oo sareeya waqtiyada uurka ?
Cadaadiska Dhiigga ee Sareeya Macnaha cadaadiska dhiigga ee sareeya (high blood pressure) ama dhiig kar, sida dadka qaarkii u yaqaanaan, waxa weeye cadaadiska dhiigga ee gudaha xididadaada dhiigga ama halbowleyaashaada ayaa waxa uu yahay heer ka sareeya ka caadiga ah. Waxay taasi keeni kartaa halisRead more
Cadaadiska Dhiigga ee Sareeya Macnaha cadaadiska dhiigga ee sareeya (high blood pressure) ama dhiig kar, sida dadka qaarkii u yaqaanaan, waxa weeye cadaadiska dhiigga ee gudaha xididadaada dhiigga ama halbowleyaashaada ayaa waxa uu yahay heer ka sareeya ka caadiga ah. Waxay taasi keeni kartaa halis caafimaad wakhti kasta, waxana ay sii halis tahay wakhtiga uurka. Haddii aan la daweyn, waxay dhibaatooyin culus u keeni kartaa adiga iyo ilmahaaga.
Cadaadiska dhiigga ee sareeya waxa kale oo afka Ingiriisiga loo yaqaanaa “hypertension.”
See less